Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa billowday beegsiga dadka dhaqan xumada ku baahiya baraha bulshada, ayada oo maanta soo xirtay Bishaaro Idiris Maxamed.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka oo gudanaya waajibkiisa ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ayaa soo xeray Bishaaro oo maalmahii lasoo dhaafay baraha bulshada ku baahineysay muuqaalo anshax xumo ah.
Muuqaaladaasi ayay sheegtay Xeer Ilaalinta Qaranka inay aad u dhibsadeen bulshada Soomaaliyeed.
Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa isla maanta horgeysay Maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Bishaaro Idiris oo ay soo xireen ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono cid walba oo lagu helo ayada oo sameyneysa wax lid ku ah dhaqanka iyo anshaxa.
Si kastaba, Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa si rasmi ah u billowday beegsiga shaqsiyaadka waxyaabaha lidiga ku ah anshaxa iyo dhaqanka ku faafiya baraha bulshada, ayada oo sida Bishaaro Idiris oo kale la horgeyn doono maxkamadda, sida uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.