Home Wararka Maanta Gudoomiye aadan Madoobe iyo Wafdi uu Horkacaayo oo Gaaray Baydhabo(Sawiro)

Gudoomiye aadan Madoobe iyo Wafdi uu Horkacaayo oo Gaaray Baydhabo(Sawiro)

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaardhow soo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe inta uu ku suganyahay magaalada Baydhabo waxaa uu kulamo la qaadan doona madaxda maamulka, iyo bulshada si uu ugu dhiirageliyo dagaalka lagula jiro Khawaariijta sidoo kale waxaa uu indha-indheyn ku samey doonaa xaaladaha guud ee deegaanka.

Ad
Previous articleBishaaro Balaayo oo Maantay Xabsiga Loo Taxaabay iyo Xeer ilaalinta oo War kasoo saartay
Next articleSheekha caanka ah ee Muft Menk oo Amaan kala Dul dhacay Haweenka Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here