Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Buuq hareeyay fadhigii baarlamaanka Puntland iyo xildhibaannadii oo...

War Deg Deg ah: Buuq hareeyay fadhigii baarlamaanka Puntland iyo xildhibaannadii oo laba dhinac noqday

0

Buuq iyo is mari-waa ayaa ka dhacay fadhigii golaha baarlamaanka Puntland oo la filayay in looga hadlo tillaabadii maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland ay shalay ku laashay go’aankii la xiriray in muddo kordhin hal sano ah loo sameeyo baarlamaanka taa oo ka timid isimada SSC-khaatumo oo muddo ku jiray xal u helidda muranka doorashada Puntland.

Baarlamaanka ayaa sida muuqata laba dhinac noqday oo qaar ayaa raacsan go’aankii isimada SSC-khaatumo ee ahaa in muddo sanad ah la siiyo baarlamaanka halka qaarna ay taageersanyihiin go’aankii madaxweynaha ee ahaa in baarlamaankaan uu meesha ka baxo oo la soo xulo xildhibaannadii badeli lahaa.

 

Ad
Previous article6 Haween oo Garaacay filina Ka Duubay nin ay Balamisay haweeney kale oo Xabsiga loo Taxaabay
Next articleWeerar ka dhacay caasimadda Sudan ee Khartuum oo dad ku dhinteen