Home Wararka Maanta 6 Haween oo Garaacay filina Ka Duubay nin ay Balamisay haweeney kale...

6 Haween oo Garaacay filina Ka Duubay nin ay Balamisay haweeney kale oo Xabsiga loo Taxaabay

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay soo qabtay saddex haween ah oo ku sugnaa degmada Waabari, kuwaas oo xadgudub u gaystay wiil dhalinyaro ah, kadibna ka duubay muuqaal.

Arrintan oo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa timid, kadib markii ay koox haween ah ku goobteen wiilka, waxayna soo duubeen iyaga oo si xun u garaacaya.

Haweenka ayaa adeegsanayay ulo iyo mindi ay ku cabsi gelinayeen wiilka oo u muuqday in lagu ballamiyay guriga, isla markaana ay sidaas ugu soo weerareen kooxda haweenka ah.

Booliska ayaa sheegay in haatan ay gacanta ku hayaan haweenkii ka dambeeyay falkaasi, ayna ku hayaan baaritaano dheeraaad ah.

“Ciidanka Boliisa Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Waabari, ayaa gacanta ku soo dhigay Haween jir dil u geestay, Muwaadin Soomaaliyeed, waxaana socota baarista Boliska, ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu talisku intaasi sii raaciyay in baarista kadib haweenkan la horgeyn doono Maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dhacdooyinkan ayaa maalmihii kusoo badanayay baraha bulshada, waxayna ahayd dhawaan markii laba gabadhood oo lagu kala magacaabo Deeqo iyo Shamso ay muuqaal kasoo duubeen wiil dhalinyaro ah, iyaga garaacaya, kuna suqan duleedka Muqdisho.

Ad
Previous articleXaaska ninkii ku dhintay shilka uu wiilka madaxweynaha Soomaaliya ku lugta lahaa oo hadashay
Next articleWar Deg Deg ah: Buuq hareeyay fadhigii baarlamaanka Puntland iyo xildhibaannadii oo laba dhinac noqday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here