Duqa magaalada Istanbul ee dalka Turkey, Ekrem İmamoğlu ayaa shaaca ka qaaday in wiilka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu eedeeyey dilka muwaadin Turkish ah, uu dalka ka baxsaday.
Yunus Emre Göçer, oo waday mooto ayaa xillii uu istaagayey waddada Kennedy Avenue, waxaa gadaal kaga dhacay baabuur uu waday Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud, baabuurkaas oo u diiwaan gashan safaaradad Soomaaliya.
Duqa magaalada Istanbul Ekrem İmamoğlu ayaa shalay wacad ku maray tallaabo ka dhan ah wiilka madaxweynaha Soomaaliya iyo in caddaaladda la horkeeno. Hase yeeshee, qoraal uu goordhow soo dhigay bartiisa X (Twitter) ayuu ku sheegay in Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud uu dalka ka baxsaday
“Yunus Emre Göçer wuxuu ahaa muwaadin u dhashay Jamhuuriyadda Turkiga. Waxaa noloshiisa dhaafsiiyey shil uu geystay wiil uu dhalay Madaxweynaha Soomaaliya. Waxaanu sheegnay inaan raaceyno nidaamka sharciga ah, balse tuhmanuhu wuu ka baxsaday Turkiga,” ayuu yiri Ekrem İmamoğlu.
Waxa uu intaas ku daray “Xanuunka qoyska dhibbanaha ah ayaa sii kordhay. Caqliyadda indhaha ka qarsanaysa, oo ogolaanaysa baxsashadan, nasiib darro, waa mid aad u liidata oo aan difaaci karin xuquuqda muwaadinka dalkiisa.”