Home Wararka Maanta Waa kuma Cabdiraxmaan Kulmiye oo sirdoonka Somaliland sheegay ‘inuu yahay basaas ay...

Waa kuma Cabdiraxmaan Kulmiye oo sirdoonka Somaliland sheegay ‘inuu yahay basaas ay gacanta ku dhigeen’?

0

Hay’adda Sirdoonka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland (NIA) ayaa sheegtay in ay qabteen labo nin oo ay ku sheegeen in ay yihiin sirdoodnka Soomaaliya gaar ahaan shaqsiyaad la shaqeyn jiray taliyihii hore hay’adda ee nabad sugidda Soomaaliya (NISA) Fahad Yaasiin.

Qoraal ay hay’adda ku soo daabacday boggooda X ee horay loo oron jiray Twitter, ayaa lagu sheegay in ragaasi hore u fuliyeen falal ka dhan ah jiritaanka Somaliland. Labada nin ayay ku sheegtay hay’addu magacyadooda Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdilaahi.

Wax faahfaahin ah oo intaas dhaafsiisan kama aysan bixin hay’addu laba nin ee ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen.

Maxaan ka naqaan Cabdiraxmaan Kulmiye?

Sida ay noo sheegeen qoyskiisa oo ay BBC du xiriir la sameysay, Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo haysta shahadaada PhD, ayaa horay u soo noqoday Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Puntland.

Cabdiraxmaan ayaa ah nin ku takhasusuay cilmiga noolaha badda iyo dhammaan kuluumeysiga.

Ciise Maxamud Dhollowaa oo saaxiib la ah isla soo shaqeyeen oo ku sugan magaalada Melbounre ee dalka Australia ayaa BBC u sheegay in uu si wanaagsan u garanayo Cabdiraxmaan.

Wuxuu sheegay in uu aqoon dheer u leeyahay Dr. Cabdiraxmaan warbixino ku saabsan cilmiga noolaha baddana uu qoray.

“Axadii la soo dhaafay ee labada bisha ayaa iigu dambeysay, waxaan ka hadalnay arrimo shaqsiyadeed, wuxuuna ii sheegay in uu hay’ado caalami ah uu la shaqeeyo”. ayuu BBC da u sheegay Ciise.

Sidoo kale wuxuu sheegay aqoonta uu u leeyahay in ay uga filan tahay inuu ku qiimeeyo shaqsiyadiisa.

“Muddo ayaan is naqaan, waxaan wada deggannahay magaalada Melbourne, Puntland waa ka soo wada shaqeynay, shaqsi ahaan ayaan u aqaan, ma ahan nin waxaas aqoon u leh,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mar aan weydiinay waxa ay kala socaan xaaladiisa markii la xiray wuxuu Ciise noo sheegay.

“Dad aan ehel nahay oo u tagay ayaa noo sheegay in uu fiican yahay oo aysan ka muuqan wax dhibaato ah”.

BBC Somali waxay la xiriirtay hay’ada NISA ee Soomaaliya si aan wax uga waydiino kiiska loo haysto labada nin ee ay Sirdoonka Somaliland ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen, balse waxay si hor dhac noogu sheegen “in aysan ragaasi ku jirin galka hay’adda NISA, baaritaanna ay ku wadaan kiiska,”

Sidoo kale xiriir aan la sameynay hayadda sirdoonka Somaliland ayaan suuragalin inaan helno.

Dadka ay qabatay hay’adda NIA

Waxaa jira dad badan oo loo haysto eedeymo kala duwan oo bishii u dambeysay ay ha’yadd NIA sheegtayt in ay soo qabatay. Qabashada Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdilaahi ayaa tii ugu dambeysay ee baahisay hay’adu.

Marar kala duwan oo ay BBC isku dayday inay wax ka waydiiso qabashada dad ay ajnabi kamid yihiin oo ay sheegtay hay’addu inay gacanta ku dhigtay ayaa guul darro ku dhamaaday.

Isniitii afarta bishan December ayey sheegtay ha’yadda in ay qabatay saddex nin oo lagu eedeeyay in ay xogaha amniga Somaliland siin jireen khaatumo.

Saddaxda nin ayey magacyadoodu ku sheegtay hay’adda Cabdifitaax Cali Cabdi, Cabdifitaax Xasan Cilmi iyo Cabdirashiid Muxumad Ibraahim.

Hay’adda waxay kaloo hore u sheegtay in ay gacan ku dhigtay labo boqol oo taayar oo u badan noocyada gaadiidka dagaalka kuwaas oo loo waday dhinaca Laasacaanood.

Warar kale ee hay’adda hore u sheegtay waxaa ka mid ahaa in laba gaari oo u rarnaa Khaatumo iyo darawaldooda ay qabatay. Waxyaabaha saarnaa ma aysan faahfaahin hay’ddu.

Sidoo kale waxay hore u sheegtay in saanad militeri oo ay kamid yihiin kabo ciidan ay ku qabteen gobolka Togdheer waxayna ku sheegtay in loo waday Khaatumo.

Waxyaabaha kale ee hay’adda dhawaan ay sheegtay waxaa ka mid ah in 18 gawaari ahoo aan nambarka taarikada laheyn oo waday falal qorsheyn ay qabteen.

Ad
Previous articleWiil uu Dhalay Madaxweyne Xasan Shiikh oo Dil Gaystay Turkiga oo Baxsaday iyo Dowlada Turkiga oo Ka Hadashay
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Safar kale oo deg deg ah Galay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here