Home Wararka Maanta Madixii Maalyada Alshabaab ee Gobalka Mudug oo Qaab layaab leh loo Dilay...

Madixii Maalyada Alshabaab ee Gobalka Mudug oo Qaab layaab leh loo Dilay lagana Soo Firtay 100 Geel ah(Sawiro)

0

Ciidamo ka tirsan ku deegaanka ee hubka u qaatay inay la dagaalamaan kooxda Al-Shabaab ayaa galabta dilay madaxii maaliyadda ee Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Mudug.

Axmed Cabdullahi Cali oo loo aqoon jiray Nadaara ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan, waxaana laga furtay mooto uu watay iyo qori AK47 ah.

Ninkaan oo caan ka ahaa gobolka waxaa dilay macawiisley ka baxday degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana lagu dilay deegaan lagu magacaabo Carfuuda oo hoos taga Xarardheere.

Carfuuda oo howlgalkaan uu ka dhacay ayaa 35 KM u jirta deegaan muhiim ah oo lagu magacaabo Dabagalo, kaas oo ka mid ah deegaanada koonfurta gobolka Mudug ee kooxda Al-Shabaab ay weli maamusho.

Ninkaan waxaa laga soo furtay 100 neef oo Geel iyo Ari isugu jirta, kuwaas oo dadka deegaanka uu ka uruuriyey, waxaana ciidamada ka baxsaday dagaalamayaal kale oo sarkaalkaan ilaalo u ahaa.

Sidoo kale, ciidamadu waxay soo bandhigeen boonooyin uu dadka ganacsatada ah ninkaani uga qaadanayey lacago baad ah, waxaana howlgalka lagu dilay fududeeyey dad uu xoolo ka dhacay oo deegaanka Carfuuda ku nool.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka howlgalkaas fuliyey ayaa Caasimada Online u sheegay in dhankooda uusan wax khasaare ah ka soo gaarin howlgalkaan.

Sidoo kale waxay saraakiishu sheegeen inay sii baacsanayaan dagaalamayaal ka tirsan kooxda oo ninka la dilay la socday, kuwaas oo ka baxsaday ciidanka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleodayaashii Beesha Wacaysle ee Alshabaab la shaqayn jiray oo Gacanta Lagusoo dhigay
Next articleWar Deg Deg ah: Qarax ka dhacay Magaalaga Garowe