Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Qarax ka dhacay Magaalaga Garowe

War Deg Deg ah: Qarax ka dhacay Magaalaga Garowe

0

Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax goor sii horeysay ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka dhashay aalad aan illaa hadda la xaqiijin nooceeda, kaasi oo ka dhacay agagaarka wadada ka tagta Saldhiga Galbeed ee aada Bixin ee magaalada Garowe.

Sida illaa hadda la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay saddex dhalinyaro ah oo la dhigay isbitaalka, iyaga oo qaba dhaawacyo fudud, sida ay warbaahinta u sheegeen qoysaska carruurtaasi.

Ciidamada ammaanka caasimadda ayaa gaaray meesha caruurta qarax ku helay, iyagoo baaritan ku wada qaraxan.

Waalidka dhalay caruurtan ayaa sidoo kale sheegay in aysan garanayn waxa ku qarxay caruurtooda, balse ka war sugayan baaritanka.

Ad
Previous articleMadixii Maalyada Alshabaab ee Gobalka Mudug oo Qaab layaab leh loo Dilay lagana Soo Firtay 100 Geel ah(Sawiro)
Next articleBaarlamaanka Soomaaliya oo Deg Deg ugu Yeeray Wasiir Fiqi iyo isla xisaabtan Bilowday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here