Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Howlgal Lagu laayay Alshabaab oo kadhacay Galmudug

Wararkii ugu Danbeeyey Howlgal Lagu laayay Alshabaab oo kadhacay Galmudug

0

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada deegaanka ayaa xalay  howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Ceel Xasan Cali oo dhanka koofur kaga beegaan deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud.

Warbaahinta afka ciidamada ku hadasha ayaa baahisay in ciidamada huwanta ah ay la wareegeen deegaanka ay howlgalka ka fuliyeen, halkaas oo fariisimo ku lahaayeen dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa la sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen deegaanka Ceel Xasan Cali ku dileen lix dagaalyahan oo katirsanaa Al Shabaab, ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay in ay soo furteen hub kala duwan.

Saraakiisha ciidankan hoggaamineysa ayaa warbaahinta afka ciidamada ku hadasha u sheegay in wali dhulka howdka ah ka wadaan howlgalo ay kusii baacsanayaan xubno katirsan Al Shababa oo baxsaday.

Ad
Previous articleDeni oo magacaabay guddiga wada-xaajoodka arrimaha doorashooyinka Puntland Xili xiisad culus ka taagantahay Garowe
Next articleMaamulka Israa’iil oo ka farxiyay nin u dhashay dalka Eritrea oo bad baadiyay nolosha sargaal Israa’iili ah oo xaalad halis ah ku jiray.