Shan nin oo ay qabteen ciidamada Mareykanka kadib markii ay markab ganacsi ku afduubteen meel u dhow xeebaha Yemen ayaa noqday Soomaali, mana ahan Xuutiyiin, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka.
Hase yeeshee weerarkii ugu dambeeyey ayaa Pentagon-ka uu sheegay in qiimeyn horudhac ah ay muujineyso inay fuliyeen koox hubeysan oo Soomaali ah.
“Waxaan ognahay inaysan aheyn Xuutiyiin,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Pentagon-ka Jeneral Pat Ryder, oo intaas ku daray “Inkasta oo burcad-badeednimada gobolka ay hoos u dhacday, haddana dhacdadan waxaa cad inay la xiriirtay burcad badeednimo.”
Markabkan oo sitay calanka Liberia, islamarkaana ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime, ayaa diray wicitaan caawimaad, waxaana ka jawaabay ciidamada Mareykanka ee markabka USS Mason.
Shanta nin ee weerarka soo qaaday ayaa isku dayay in ay ku baxsadaan doomo yaryar oo ay wateen, balse ciidamada Mareykanka ayaa ka daba tagay oo ku ridey rasaas digniin ah, “taasi oo keentay in ay is dhiibaan ugu dambeyntii,” sida uu sheegay Ryder. Waxaa hadda lagu hayaa markabka USS Mason dushiisa, ayuu yiri