Home Wararka Maanta Xamza Cabdi Barre oo sheegay arrimaha waaweyn ee horyaalla xukuumadda

Xamza Cabdi Barre oo sheegay arrimaha waaweyn ee horyaalla xukuumadda

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay arrimaha waaweyn ee horyaalla xukuumadda in ay kamid yihiin qabyo-tirka dastuurka KMG ah, xilli Baarlamaanka la horgeynayo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran.

Xamza oo xalay la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Kismaayo, ayuu sidoo kale waxa uu ka sheegay in dayn cafinta oo dhammaad ku dhow iyo amniga oo ay ugu horreyso cirib-tirka Shabaab iyo la-wareegidda amniga Qaranka marka ay baxaan ciidanka ATMIS ay kamid yihiin arrimaha ugu waaweyn ee horyaalla xukuumaddiisa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ku boorriyey bulshada Kismaayo in ay hormuud u noqdaan dagaalka lagu cirib-tirayo kooxda Al-Shabaab oo dhawaan uu wajigiisa labaad ka bilaaban doono deegaannada Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu bulshada qeybaheeda kala duwan ee uu la kulmay uga warbixiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira dowlad-dhiska Soomaaliya, dagaalka dalka looga cirib-tirayo argagixisada iyo gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka.

Dhankooda, qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey dadaallada xukuumadda ee la xiriira, sugidda amniga, cirib-tirka Al-Shabaab, u gurmadka dadka dhibaateysan iyo dadaalka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Wejiga hore ee dagaalka Al-Shabaab ayaa hadda maraya meel gebo-gebo ah, waxaana dhawaan bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.

Wejigan ayuu horey madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in uu noqon doono mid lagu soo afjarayo jiritaanka Khawaarijta Al-Shabaab, oo wejiga koowaad looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda.

Ad
Previous articleMareykanka oo sheegay inay Soomaali fuliyeen weerarkii loo maleeyey Xuutiyiinta
Next articleDeni oo magacaabay guddiga wada-xaajoodka arrimaha doorashooyinka Puntland Xili xiisad culus ka taagantahay Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here