Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Barre ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal maanta ciidamo ka tirsan booliska gobolka Banaadir iyo kuwa Koonfur Galbeed ku dhex maray deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeellada Hoose.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada K/Galbeed aysan sameyn wax iska caabin ah, maadaama horay loo siiyey amar ah inay isaga baxaan goobtii lagu soo weeraro.
Ciidanka weerarkaas fuliyey ayaa la sheegay inay ka baxeen Muqdisho, isla markaana ay dib ugu soo laabteen howlgalkaas kadib, maamulka K/Galbeed ayaa falkaan uga dacwooday maxkamadda ciidamada sida uu caawa sheegay guddoomiye Maxamed Barre.
Ugu dambeyntii guddoomiye Maxamed Barre wuxuu sheegay in K/Galbeed aysan cidna uga waaba doonin masuuliyadda maamul ee oa saaran deegaanka Jaziira oo maamulka gobolka Banaadir uu quud-dareynayo.