Home Wararka Maanta Sida Saabiriin uu ninkeeda uga caawiyay in ay gasho kaalinta ugu sarreysa...

Sida Saabiriin uu ninkeeda uga caawiyay in ay gasho kaalinta ugu sarreysa ee jaamacadda

0

Saabirin Xasan Nuur waa hooyo da’yar, waa marwo sidoo kale waxayna ahayd ardayad, iyadoo ay haatan usoo idlaatay waxbarashadii jaamacadda ee ay juhdiga badan ku bixineysay sanadihii lasoo dhaafay.

Waxa ay wax kusoo baratay nolol adag iyo agoonnimo, iskuulkeedii waxa uu ahaa machadka Al-ixsaan ee magaalada Muqdisho oo ay ku qaadaneysay waxbarasho bilaash ah oo loogu tala galay gabdhaha agoonta ah.

Saabiriin haatan waxa ay noqotay ardayadda ugu sarreeysa ee jaamacadda iyadoo kaalinta koowaad ka gashay imtixaankii ugu dambeeyay ee qalin jabinta, waxa ayna hoggaanka u qabatay aruday gaareysa ilaa 600 oo arday ah.

Waxa ay dhiganeysay jaamacadda Somali International University ee loosoo gaabiyo (SIU), iyadoo baraneysay cilmiga siyaasadda iyo culuumta bulshada, gaar ahaan maamulka guu

Saabiriin waxa ay hambalyo xafladdeedii qalin jabinta kaga guddoontay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, boqollaal arday iyo macallimiin ah iyo kumanaan dadweyne ah oo kasoo qayb galay munaasibadda si ay ardayda ula qayb sadaan maalintooda farxadeed.

Caawinta ay heleysay Saabiriin

Waxaa la guursaday oo ay gashay nolosha marwonimo sanadkii 2022-kii, xilli ay ahayd waqtigii ugu adkaa ee jaamacadda maadaama ay ku guda jirtay sanadkii ugu dambeeyay uguna shaqada badnaa.

Xilligaas Saabiriin waxaa lasoo dersay culeys dhanka waxbarashada ah, iyada oo ay maareyneysay nolosha marwo nimo iyo waxbarashada, waxaa usii dheereyd in ay gashay xaalad wallac ah iyo uurka ilmaheedii ugu horreeyay.

Sidoo kale waxa ay caawin ka heleysay saygeeda oo ahaa macallin katirsan macallimiinta jaamacadda walow ay sheegtay in sanadkii ugu dambeeyay ee jaamacadda uusan kamaid ahayn macallimiintii wax barayay.

Saabirin oo waresyi siisay BBC-da ayaa tiri, “Xilliyada aan diyaarinayo imtixaanaadka waxa ay ii ahayd waqtigii iigu adkaa maadaama aan waagii hore habeenkii waqx badan akhrin jiray marka aan noqday hooyo uur leh wey igu adkaatay.

Xaajigeyga oo kamid ahaa macallimiinteyda ayaa mar waliba i dhihi jiray wax akhriska haka caajisin soco waad sameyn kartaa dadaal iyo ha daalin, anigana waan ku dadaali jiray”.

Waxa ay sheegtay in howlaha guriga uu ka fududeyn jiray si ay u badiso wax akhriska una diyaariso imtixaanaadka jaamacadda.

“Maadaama uu macallin guriga ii joogay anigana waxa ay ii noqotay faa’iido kale, xitaa marka aan guriga joogo ayaan kusii dadaali jiray in aan wax badan ka barto ninkeyga casharradana uu iga caawiyo” ayey sii raacisay Saabiriin.

Waxa ay sheegtay in ay kusoo kortay nolol agoonnimo, balse taa beddelkeeda hooyadeed ay soo korisay isla markaana ay ku dhiirri geli jirtay waxbarashada.

Cabdullahi Faarax Cali oo ah xaajiga Saabiriin, waxa uu goob joog ka ahaa munaasibadda qalin jabinta waxana uu garab taagnaa marwadiisa isaga oo la qayb sanayay farxadda maalinteeda qalin jabinta iyo waliba guud ahaan ardaygii uu macallinka u ahaa.

Isagoo ka hadlaya dadaalkeeda ayuu yiri, “Saabiriin wey dadaal badneed markeedii horaba waxana ay geli jirtay kaaimo wanaagsan, haddana waxa aan ku dadaalay in aysan hoos u dhicin si aan loo dhihin guurkeeda kadib ayey waxbarashada ku xumaatay”.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in waqtigii ugu cuslaa ay ahayd iyada oo ay soo dhowyihiin maalimihii imtixaanaadka iyo umusheeda oo iskusoo beegmay.

Qorsheheeda kale ee mustaqbalka

Saabiriin waxa ay sheegtay in mustaqbalka dhow ay rajeyneyso in ay ku shaqeystao cilmigii ay baratay isla markaana ay bulshada uga faa’iideyso, sidoo kale waxa ay sheegtay in ay sii wadan doonto waxbarashada oo ay u qorsheysantahay in ay bilowdo qaybta Mastarka.

“Hadda waxa ii dhammaaday heerka koowaad ee jaamacadda, waxa aan rajeynayaa in aan shaqeysto, waxaana ku dadaalayaa in aan u gudbo heerka labaad ee waxbarashada” ayey tiri Saabiriin.

Ardaydii ay muddada wax soo wada baranayeen ayey ugu dambeyn isku macsalaameeyeen fasalladii ay subax walba isku bariidin jireen.

Waxa ay sheegtay in inta badan ardayda iskuulka ay aad ugu farxeen darajadeeda sare iyo kaalinta ugu sarreysa ee ay imtixaanka ka gashay, walow ay xustay in ay jiraan dad aan badneyn oo wajiyadooda ay farxad ka arkin guusheeda awgeed.

Ad
Previous articleNinkii caddaanka ahaa ee lagu helay dilkii George Floyd oo xabsiga dhexdiisa lagu tooriyeeyay.
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Jaziira iyo Askar ku Dhimatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here