Garabka hubaysan ee Xamaas, guutooyinka Al Qassam, ayaa sheegay in afar ka mid ah taliyeyaashooda militari la dilay.
Bayaan lagu sii daayay kanaalka ay ku leeyihiin Telegram-ka oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters, waxay kooxdu ku sheegtay in mid ka mid ah saraakiisha Xamaas ee la dilay uu ahaa Ahmad Al Ghandour, oo loo yaqaanay Abu Anas, kaas oo lagu tilmaamay inuu ahaa “xubin ka tirsan golaha milateriga iyo Taliyaha Guutada Waqooyi”.
Ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin xilliga la dilay iyo sida loo dilay.
Ad