Home Wararka Maanta Ninkii caddaanka ahaa ee lagu helay dilkii George Floyd oo xabsiga dhexdiisa...

Ninkii caddaanka ahaa ee lagu helay dilkii George Floyd oo xabsiga dhexdiisa lagu tooriyeeyay.

0

Derek Chauvin oo ahaa sarkaal ka tirsanaa booliiska Minneapolis, oo lagu helay dilka George Floyd, ayaa lagu tooriyeeyay xabsiga Arizona, sida ay sheegayso warbaahinta Mareykanka.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa wakaaladda warrarka ee AP u sheegay in 47-jirkan uu si xun u dhaawacay maxbuus kale.

Wargeyska New York Times oo soo xiganaya laba qof oo xaaladda wax ka ogaa ayaa sidoo kale sheegay in la weeraray sarkaalkan horey booliska uga tirsanaa.

Chauvin oo cadaan ah, ayaa xukuno kala duwan loogu riday dilka ninkii madowga ahaa ee George Floyd, kaas oo dhaliyay mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo naxariis darada iyo cunsuriyadda booliiska.

Xafiiska Xabsiyada ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in maxbuus ku jiray xabsiga federaalka ee magaalada Tucson la tooriyeeyay 12:30 wakhtiga maxaliga ah (19:30 GMT).

Jimcihii.Wakaaladdu waxay sheegtay in shaqaaluhu ay hayeen dhacdada, “tallaabooyin lagu badbaadinayo nolosha” ayaa lagu sameeyay maxbuuska, kaddibna waxa loo qaaday isbitaalka, lama sheegin magaca maxbuuska.

Ma jirto cid kale oo wax ku noqotay, Chauvina waxa la sheegay in uu ka badbaaday weerarka.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota Keith Ellison, oo uu CNN-ku soo xigtay, ayaa xaqiijiyay in Chauvin la tooriyeeyay, wuxuuna sheegay in xaaladiisu ay wanaagsan tahay.

Ad
Previous articleXamaas oo sheegtay taliyeyaal looga dilay dagaalka Israa’iil
Next articleSida Saabiriin uu ninkeeda uga caawiyay in ay gasho kaalinta ugu sarreysa ee jaamacadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here