Home Wararka Maanta Gudoomiye aadan Madoobe oo shaaciyay tirada xildhibaanada uga dhaawacmay dagaalka Al-Shabaab

Gudoomiye aadan Madoobe oo shaaciyay tirada xildhibaanada uga dhaawacmay dagaalka Al-Shabaab

0

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 4-aad ee labada Aqal ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka Al-Shabaab.

Ugu horreyn Sheekh Aadan ayaa ku boggaadiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud go’aankiisa ku aadan dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in baarlamaanka Soomaaliyeed uu qayb ka yahay dagaalkan, isla-markaana xildhibanadu ay tageen furinta hore ee dagaalka.

Sidoo kale wuxuu shaaciyay in laba xildhibaan ay uga dhaawacmeen dagaalka socda, kadib markii ay tageen jiidda hore, gaar ahaan koonfurta gobolka Mudug.

“Waxaad ogtihiin inay ku dhaawacmeen xildhibaano iyo senataro ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu kamid yahay xildhibaanka Golaha Shacabka ugu da’da weyn Cabdisalaan Dhabancad, sidoo kale waxaa dhaawacmay Senataro Cabdi Qaybdiid oo runtii dalkan xilal badan kasoo qabtay” ayuu yiro guddoomiye Aadan.

Aadan Madoobe ayaa sidoo kale qiray in dagaalka xildhibaanada uu muujinaayo sida ay uga go’an tahay in dalka laga ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah.

“Taas waxa ay muujineysaa dadaalka iyo ka go’naashaha xildibaanadeena iyo Ummadda Soomaaliyeed inay naftooda u huraan xoriyadda iyo sharafka dalka” ayuu sii raaciyay.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn ay kasoo hooyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug

Qaraxyo laga cabsi qabo in Sacaadaha Soosocda oo laga digay

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara”
Ad
Previous articleXasan Shiikh Maxamuud oo Baarlamaanka Hortiisa kaga Hadlay Xiisada Ka Taagan Puntland
Next articleSomaliland oo bayaan yaab leh ka soo saartay ku biirista Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC),