Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay Kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee maamulka Puntland.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la socdo dhiilo uu sheegay inay kasoo cusboonaatay Puntland, balse wuxuu ku baaqay inay laga wada-hadlo wax kasta oo khilaaf ah.
“Waxaan ka xunahay khilaafka dhiilada ah ee haatan ka muuqdo dowlad goboleedka Puntland, waxaana adkanaynaa baaqyada ah in wada-hadalka iyo isu dhagalugnaanta baaqyada waxgaradka ay yihiin xalka ugu haboon ee maanta jiri kara” ayuu yiri.
“Hala dhageysto ayaan leenahay dadka waxgaradka ah ee markaa iyaga aan siyaasadda dan ka lahayn, laakiin danta Umadda deganaanshaha deegaanka ay u muuqato” ayuu yiri.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo Puntland oo ay ka taagan tahay hubanti la’aan ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka.