Wasiirkii amniga gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa maanta loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee waddanka Qatar, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.
Wararka ayaa sheegay in Wasiir Doodishe uu maanta ka qayb-galay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada, kaas oo noqon doono kiisii ugu dambeeyey, wuxuuna sidoo kale macsalaameeyay inta badan xubnaha Golaha Wasiirada ee maanta ka qayb-galay shirka.
Sawirro la soo qaaday shira kadib oo ay wada galeen Doodishe iyo xubnaha Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in la macsalaameeyay, maadaama uu noqonayo safiir.
Sidoo kale magacaabista Doodishe ee Safiirka Qatar waxaa xaqiijisay wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka, Khadiijo Maxamed Diiriye oo qoraal soo dhigtay Fecebook-geeda.
“Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha XFS Safiirkeena Doha Qatar u fadhiisan doona dowladda Soomaaliya,” ayay qoraalkeeda ku tiri wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye.
Dhinaca kale lama oga cidda loo magacaabi doona booska uu banneeyay wasiirka amniga gudaha Soomaaliya, waxaana laga dhowr sugayaa ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Si kastaba, maagacaabistan ayaa kusoo aaday xilli la filayo in uu Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya uu golahiisa Wasirrada ku sameeyo isku shaandheyn ballaaran, balse ma cadda xubnaha ay saameyn doonto, haddii la qaado tallaabadaasi.