Home Wararka Maanta Maxaa Looga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Maantay?

Maxaa Looga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya ee Maantay?

0

Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaare Mudane Xamza Cabdi Barre.

Shirkan ayaa waxaa todobaadkan diiradda lagu soo saaray saddex arrimood oo kala ha:- roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, amniga iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab.

Ugu horreyn golaha ayaa warbixin ku saabsan saameynta ka dhalatay roobabka daadadka wata, waxa ay ka dhageysteen Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo soo bandhigay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka ka da’aya dalka.

Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin gaaraya illaa 96 qof.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday gurmadka iyo dadaallada soconayo oo ay hurmuudka u tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

“Xukuumadda JFS ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku” ayaa lagu yir warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha.

Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa warbixino la xiriira amniga guud ee dalka iyo  ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaanshaadhigga.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa isna golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxuuna soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka.

Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo bani’aadanimo, taas oo ka dhalatay fatahaadaha iyo roobabka daadadka wata ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.
Ad
Previous articleNin ka soo horjeeda Islaamka oo ku guuleystay doorashada Holland
Next articleWasiirkii Amniga oo Xilka laga Qaaday iyo Xil Cusub oo loo Magacaabay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here