Dowladda Ingiriiska ayaa ha hadashay gabar dhallinyaro ah oo u dhalatay dalkaasi oo ku geeriyootay isbitaal kuyaalla dalka Turkiga, xilli gabadhaasi loo sameenayay qaliin jirkeeda lagu qurxinayay.
Melissa Kerr oo 31-ssano jir aheyd ayaa dalka Turkiga u aaday sidii ay isugu sameyn laheyd qaliin is qurxin ah, waxaana gabadhan la sheegay in ay geeriyootay xilli ay dhaqaatiirta ku howlanaayeen qalliinka jirkeeda lagu sameenayay.
Gabadhan ayaa la sheegay in dhaqaale badan ku bixisay sidii qalliin loogu sameeyo simaha ama miskaha si loogu weyneeyo, balse waxaa ay u dhimatay qalliinkaas ay ku martay isbitaal gaar loo leeyahay oo Turkiga kuyaalla.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka dalka Ingiriiska ayaa sheegay in dowladda Turkiga kala hadli doonaan geerida gabadhan ,gaar ahaan tallaaboooyinka loo maro iyo sharciga ka dhanka ah qalliinka quruxda la xirriira.