Home Wararka Maanta Gabar Qalliin is qurxin ah u aaday dalka Turkiga oo si lama...

Gabar Qalliin is qurxin ah u aaday dalka Turkiga oo si lama filaan ah u geeriyootay

0

Dowladda Ingiriiska ayaa ha hadashay gabar dhallinyaro ah oo u dhalatay dalkaasi oo ku geeriyootay isbitaal kuyaalla dalka Turkiga, xilli gabadhaasi loo sameenayay qaliin jirkeeda lagu qurxinayay.

Melissa Kerr oo 31-ssano jir aheyd ayaa dalka Turkiga u aaday sidii ay isugu sameyn laheyd qaliin is qurxin ah, waxaana gabadhan la sheegay in ay geeriyootay xilli ay dhaqaatiirta ku howlanaayeen qalliinka jirkeeda lagu sameenayay.

Gabadhan ayaa la sheegay in dhaqaale badan ku bixisay sidii qalliin  loogu sameeyo simaha ama miskaha si loogu weyneeyo, balse waxaa ay u dhimatay qalliinkaas ay ku martay isbitaal gaar loo leeyahay oo Turkiga kuyaalla.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka dalka Ingiriiska ayaa sheegay in dowladda Turkiga kala hadli doonaan geerida gabadhan ,gaar ahaan tallaaboooyinka loo maro iyo sharciga ka dhanka ah qalliinka quruxda la xirriira.

Ad
Previous articleDeni oo kulan qarsoodi ah la yeeshay guddi gaar ah oo baarlamaanka Puntland u xil-saaray ka shaqaynta xeerka doorashooyinka qof iyo cod
Next articleSSC Khaatumo Oo War Kasoo Saartay Dagaalkii Cuslaa ee saakay dhacay iyo Gaadiid laga Qabsaday Soomaaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here