Home Wararka Maanta Guddiga Khubarada QM ee Arrimaha Soomaaliya oo Beeniyay Arin Dowlada Soomaaliya Sheegatay

Guddiga Khubarada QM ee Arrimaha Soomaaliya oo Beeniyay Arin Dowlada Soomaaliya Sheegatay

0

Guddiga Khubarada QM ee Arrimaha Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saareen markii ugu horreysay uga hadlay sheegashada dowladda Soomaaliya ee la xiriirta tirada Al-Shabaab laga dilay tan iyo markii la billaabay duulaanka ka dhanka ah bartamihii sanadkii tegay.

Guddiga ayaa sheegay inaan la xaqiijin karin sheegashada dowladda ee ah in khasaaraha Shabaabka gaaray uu dhan yahay 6,000 oo maleeshiyo.

“Iyadoo kooxda ay la kulantay cadaadis cusub oo kaga imanaya duulaanka ay hormuudka ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan maamul-goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, guddiga waa awoodi waayeen inay xaqiijiyaan sheegashada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay sameysay 25-kii March 2023, ee ahaa in Al-Shabaab ay gaarsiiyeen in ka badan 6,000 oo khasaare ah, oo ay ku jiraan dhimashada 3,000 oo dagaalyahan,” ayaa lagu yiri warbixin guddiga u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM.

Guddiga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu dhow ee ku wajahan nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Intii lagu guda jiray muddada warbixinta, ma jirin hoos u dhac weyn oo ku yimid awoodda kooxdu u leedahay in ay weeraro joogto ah fuliso Soomaaliya,” ayey tiri warbixinta guddiga.

Guddiga ayaa intaas ku daray in inkasta oo Al-Shabaab lagu qaaday weeraro culus, haddana kooxda ay awood u yeelatay inay ka faa’iidaysato nidaam xumida ciidamada dowladda, ku dhex milantay shacabka ayaga oo sameynaya dib ugurasho xeeladeysan, kadibna fuliyeen weeraro rogaal celis ah oo ka dhan ah ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka taabacsan.

“Arrimahan ayaa soo jeedinaya in Al-Shabaab ay weli tahay mid adkeysi leh, la qabsan karta xaaladaha oo dhimasho badan gaysaneysa,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Inkasta oo laga soo riixay meelo badan oo ka tirsan bartamaha Soomaaliya, kooxda ayaa ku guuleysatay inay kordhiso xawliga howl-galladeeda, oo ay ku jiraan weeraro culus sida weerarkii cuslaa ee bishii May 2023 lagu qaaday saldhigga ATMIS ee deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu sheegay warbixinta guddiga.

Ad
Previous articleGolaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kordhiytay cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran
Next articleXizbullah oo weerar gantaallo iyo diyaarado ku qaaday Israel