Home Wararka Maanta Xizbullah oo weerar gantaallo iyo diyaarado ku qaaday Israel

Xizbullah oo weerar gantaallo iyo diyaarado ku qaaday Israel

0

Ururka Xizbullah ayaa sheegay in ciidamo ku sugan waqooyiga Israel ay ku beegsadeen diyaarado drone ah iyo gantaallo Isniintii, xilli kooxda ay kordhisay weerarada ka dhanka ah Israel.

Xuduudda Israel iyo Lubnaan ayaa si maalinle ah gantaallo la isugu weydaarsanayey tan iyo markii uu billowday dagaalka Israel iyo Xamaas, 7-dii October.

Dagaalyahannada Xizbullah ayaa askar ku sugan galbeedka Kiryat Shmona ee waqooyiga Israel “la beegsaday seddex weerar oo ay fuliyeen diyaarado kuwa aan duuliyaha lahayn ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxda ay Iran taageerto.

Xizbullah ayaa intaas ku dartay wax yar kadib weerarka diyaaradaha ay sidoo kale madaafiic la beegsatay ciidamo ku sugnaa aaggaas.

Xizbullah waxay sheegtay inay sidoo kale “gantaalada Burkan” ku dhufatay xero ay Israel leedahay, waxayna sidoo kale sheegatay tiro kale oo weerarro ah oo ay ku qaadday goobo ka tirsan Israel.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in weerarka aanu kasoo gaarin wax khasaare ah.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Israel ayaa lagu sheegay “in 25 weerar looga soo qaaday Lubnaan, kuwaas oo lala beegsaday goobo kala duwan oo ku yaalla xuduudda,” waxayna intaas ku dareen in “qaar ka mid ah gantaallada dhexda laga qabtay.”

Ciidamada ayaa intaas ku daray inay weerar jawaab ah ku qaadeen Xizbullah.

“Taankiyo, diyaarad dagaal, iyo diyaarad helikobter ah ayaa weeraray kaabayaasha argagixisada Xizbullah ee Lubnaan,” iyaga oo ka jawaabaya “weeraro ku wajahan dhulka Israel”, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada Israel.

Madaxa Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa bishan sheegay in kooxdiisa oo ah xulafada Xamas ay hub cusub u adeegsanayso Israel oo ay ku jiraan gantaallada Burkan, isagoo intaas ku daray inay qaadi karaan “culeys dhan 300-500 kg.”

Kooxda ayaa sidoo kale adeegsaneysay diyaarado drone ah markii ugu horreysay, kuwaas oo qaarkood gudaha u galay Israel, sida uu sheegay Nasrallah.

Ad
Previous articleGuddiga Khubarada QM ee Arrimaha Soomaaliya oo Beeniyay Arin Dowlada Soomaaliya Sheegatay
Next articleDowladda Koonfur Afrika oo ugu baaqday maxkamadda dambiya caalamiga ah ee ICC in ay soo xirto Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here