Kooxo hubeysan oon wali heebtooda la garan ayaa xalay xaafada Gubta ee degmada Dayniile ku dilay nin qurbojoog ahaa oo muddooyinkii dambe kunoolaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeysan ayaa gurigiisa hortiisa xalay ku toogtay Ibraahim Iman oo loo yaqaan (Dibad), kooxda dilka geesatay ayaana la sheegay in goobta si deg deg ah uga baxsadeen.
Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, ciidamada oo halkaasi ka sameeyay baaritaanno kooban ayaan ku guuleysan in ay soo qabtaan kooxdii dilka geesatay oo la sheegay in ay mooto ku baxsadeen.
Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in isaga iyo carruurtiisa kasoo guureen dalka Ingiriiska oo ay degnaayeen, waxaana la sheegay in marxuumka ahaa aqoonyahan jaamacad uga baxay dalka Ingiriiska uu kunoolaa.
Dilkan ayaaan la ogeyn in ay ka dambeeyeen kooxo burcad ah iyo inkale, mana jiro ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda dilkan, laamaha ammaanka ayaana dhankooda ka hadlin dilkan xalay ka dhacay degmada Dayniile.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay