Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa si adag uga hadlay dagaallada qabaa’ilka ee ka socda gobollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
Wasiirka ayaa sheegay in hadda dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in la bilaabo wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab, balse uu jiro qorshe la doonayo in lagu fashiliyo, isagoo hurinta dagaallada qabaa’ilka dusha ka saaray Khawaarijta Al-Shabaab.
Dowladda federaalka ayaa farriin u dirtay maamullada HirShabeelle, Galmudug iyo Puntland oo deegaanada ay ka taliyaan ay saacadihii iyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhaceen dilal iyo dagaalo toos ah oo salka ku haya aanooyin qabiil.
Dilkii ugu argagaxa badnaa ayaa xalay ka dhacay bartamaha Dhuusamareeb, kadib markii ay rag hubeysan dileen labo ganacsade oo aad looga jeclaa magaalada, kana soo jeeday beesha Saleebaan, ragga dilka geystay in kastoo aan la qaban, hadana waxaa la tuhunsan yahay inay Cayr yihiin.
Dhanka Mudug, waxaa ku dagaalamaya oo dad badan iska dilay labo jufo oo ka soo wada jeeda beesha Cumar Maxamuud ee Majeerteen.
Dhanka Shabeellada Dhexe, waxaa aad isugu laayey oo xitaa guryo badan iska gubay labo jifo oo ka soo wadajeeda beesha Harti-Abgaal, kuwaas oo hadda lagu guuleystay in ciidan la kala dhexdhigo.