Home Wararka Maanta Ciidamada Dowlada oo Fashiliyay Qarax Alshabaab Doonayeen inay Dad ku laayan(Sawiro)

Ciidamada Dowlada oo Fashiliyay Qarax Alshabaab Doonayeen inay Dad ku laayan(Sawiro)

0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta fashiliyay qarax miino oo ay Al-Shabaab ku doonaysay inay ku waxyeelayso shacabka caasimadda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay fashiliyeen qaraxan miino oo ay kooxda ku dhex diyaariyeen weelka kululaysada loo yaqaan.

Kuleylisada lagu soo diyaariyay qarax ayaa waxay maleeshiyaadka Al-Shabaab ay soo dhigeen Rugta Codka Cali Siyaad ee Ciidanka Xasilinta Caasimada ee waaxda kordamac Degmada Deyniile, sida lagu yiri qoraalka Booliska.

“Qaybta Miino Baarka Boliiska ee MBB-yada, oo goobta gaaray ayaa fashiliyay dhagartii Khawaarijtu la damacsanaayeen Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Ciidamada dowladda ayaa sidan oo kale hore u fashiliyay qaraxyo ay kooxda Al-Shabaab doonaysay inay ku waxyeelayso shacabka caasimada, xilli uu dalka ka socdo guluf culus oo ka dhanka ah kooxda, kaasi oo ay iska garabsanayaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howl-gallada ka socdo magaalada Muqdisho, si looga hortego weerarada qaraxyada ah iyo dilalka ka dhacay caasimada.

Ad
Previous articleCiidamada Amaanka Dhuusa-Mareeb Oo Dad Badan U Xiray Dilka Shiiq Xasan Iyo Saciid Tahliil
Next articleDowlada Soomaaliya oo ka Hadashay Dagaal Beeleedyada Kasoo Cusboonaaday Galmudug Go,aan Adagna Ka Qaadatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here