Home Wararka Maanta Dowlad aan islaam ahayn oo durbaba xariirka ujaray israaiil kadib xasuuqii Gaza

Dowlad aan islaam ahayn oo durbaba xariirka ujaray israaiil kadib xasuuqii Gaza

0

Waddamada caalamka ee sida weyn u cambaareenaya xasuuqa ciidamada Isreal ka geesanayaan magaalada Gaza ayaa sii kordhaya, xilli ciidamada Isreal ay gudaha u galeen magaalada Gaza oo ay maamulaan kooxda Xamaas.

Dowladaha reer Galbeedka ayaa garab istaag u muujiyay maamulka Isreal ee xasuuqa geesanaya, waxa ayna ka gaabsadeen in ay cambaareeyaan kana hadlaan xasuuqa ba’an ee Isreal u geesaneyso shacabka aan hubeysneyn ee Gaza kunool.

Dowladda Bolivia ayaa si adag u cambaareysay xasuuqa ay ciidamada Isreal ka geesanayana magaalada Gaza, waxa ayna dowladaasi caddedysay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jareen maamulka Isreal.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda dalka Bolivia Freddy Mamani oo warbaahinta la hadlay ayaa si cad u sheegay in xiriirka u jareen Isreal, waxa uuna sheegay in aan indhaha lagu fiirsan karin tacadiyada iyo xasuuqa Isreal u geesaneyso shacabka Falastiin.

Labadan hoggaamiye oo qoraalo soo saaray ayaa si kulul u cambaareeyay tacadiyada Isreal, waxa ayna sheegeen in aan la aqbali karin waxa ay sameenayaan ciidamada Yahuuda Isreal.

Ad