Home Wararka Maanta Hubka Dhigis lagu sameeyey Beelihii dhawaan Ku Dagaalamay Gobalka Shabeelada Dhexe

Hubka Dhigis lagu sameeyey Beelihii dhawaan Ku Dagaalamay Gobalka Shabeelada Dhexe

0

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa cutub Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed ah u diray Deegaao hoos yimaada Degmada Cadale, hkaas oo ay dhawana ku dagaalameen dad walalo ah.

Ciidanka ayaa kala dhex galay maleeshiyo beeleedyo ku diriray deegaankaas, hubka dhigisna ku sameeyay.

Sidoo kale Waxaa iyana goobta gaaray cutub Ciidan ah oo ka tirsan hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka (Nisa).

Taliyaha Daraawiishta Boliiska, Sareeye Guuto. Cabdulahi Mire, oo horkacayay ciidankan ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadka ku dhaqan deegaanada lagu dagaalamay gaar ahaan Ceel-muluq, Xaaji-Cali, Laba-garas, Cadow-uul, Dayfo iyo Burto-Shiikh.

Taliyaha ayaa amar cad dul dhigay oo ah in aan la aqbalikarin in wax hub ah lagu qaato deegaankaas dadkuna is dhex maraan, cidii ku xadgudubta xabad joojinta iyo dadaalada nabadeedna ay ciidamada amaanku u amranyihiin in ay gacan bir ah ku qabtaan lagana qaado talaabo sharciga waafaqsan.

Ad
Previous articleDowlad aan islaam ahayn oo durbaba xariirka ujaray israaiil kadib xasuuqii Gaza
Next articleCiidamada Amaanka Dhuusa-Mareeb Oo Dad Badan U Xiray Dilka Shiiq Xasan Iyo Saciid Tahliil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here