Home Wararka Maanta Dowlad aan islaam ahayn oo durbaba xariirka ujaray israaiil kadib xasuuqii Gaza

Dowlad aan islaam ahayn oo durbaba xariirka ujaray israaiil kadib xasuuqii Gaza

0

Waddamada caalamka ee sida weyn u cambaareenaya xasuuqa ciidamada Isreal ka geesanayaan magaalada Gaza ayaa sii kordhaya, xilli ciidamada Isreal ay gudaha u galeen magaalada Gaza oo ay maamulaan kooxda Xamaas.

Dowladaha reer Galbeedka ayaa garab istaag u muujiyay maamulka Isreal ee xasuuqa geesanaya, waxa ayna ka gaabsadeen in ay cambaareeyaan kana hadlaan xasuuqa ba’an ee Isreal u geesaneyso shacabka aan hubeysneyn ee Gaza kunool.

Dowladda Bolivia ayaa si adag u cambaareysay xasuuqa ay ciidamada Isreal ka geesanayana magaalada Gaza, waxa ayna dowladaasi caddedysay in ay xiriirka diblumaasiyadeed u jareen maamulka Isreal.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda dalka Bolivia Freddy Mamani oo warbaahinta la hadlay ayaa si cad u sheegay in xiriirka u jareen Isreal, waxa uuna sheegay in aan indhaha lagu fiirsan karin tacadiyada iyo xasuuqa Isreal u geesaneyso shacabka Falastiin.

Labadan hoggaamiye oo qoraalo soo saaray ayaa si kulul u cambaareeyay tacadiyada Isreal, waxa ayna sheegeen in aan la aqbali karin waxa ay sameenayaan ciidamada Yahuuda Isreal.

Ad
Previous articleKoonfurgalbeed oo uu ka Bilowday Dagaalka Ka Dhan ah Alshabaab iyo Magaalooyin Durbaba Alshabaab laga Saaray
Next articleHubka Dhigis lagu sameeyey Beelihii dhawaan Ku Dagaalamay Gobalka Shabeelada Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here