Muqtaar Maxamed Isxaaq (Rabaani ) oo ahaa Hoggaamiyihii Jabhada ee Gobalka Bokool ayaa saaka isku soo dhiibey Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay deegaanka Goof Gaduud Buurey Halkaasi oo fariisin u ahaa Ururka 46-aad Ee Guutada 8-aad Qeybta 60-aad CXDS.
Waxa uu tababar kusoo qaatey deegaanka Kuntu-waarey ee gobalka Shabeelaha Hoose, sidoo kale Wuxuu ka tirsanaa Jabhadaha waxa uuna ku jirey muddo 3-sano ah.
Intii uu ku jirey kooxda Alshabaab Muqtaar ayaa sheegey in uu ka qayb qaatay dagaalo badan, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay iska cafiyaan.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad