Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Faraha Looga Gubtay oo Ciidamada Macawislayda Hiiraan Ku...

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Faraha Looga Gubtay oo Ciidamada Macawislayda Hiiraan Ku Qaadeen Alshabaab

0

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka socdo duleedka degmada Buuloburde ee gobolkaaasi, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa soo billowday abaare 9:00 subaxnimo ee saaka, wuxuuna soconayaa illaa iyo hadda, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga deegaanka Jicibow oo hoosta degmada Buuloburde, halkaas oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan 15 qof oo labada dhinac ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Dagaalka waxaa hoggaaminaya taliyaha qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka, Janaraal Faarax Cali Waasuge (Kooshin) iyo mas’uuliyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka Hiiraan.

Ujeedka ayaa ah in xoogaga Al-Shabaab laga saaro deegaanada jinka wabiga Shabelle ee mara gobolka Hiiraan, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ka socdeen howlgallo culus.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobolka, ayada oo gurmadyo ay sii gaarayaan aagga lagu dirirayo.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, kadib markii lagu bilaabay wajiga koowaad dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka.

Ad
Previous articleHorjooge sare oo ka Tirsanaa Alshabaab oo Ciidamada Dowlada usoo Gacan galay
Next articleCiidamo Kawada Tirsan Dowlado oo Dagaal ku Dhexmaray Muqdisho iyo Askar ku Dhimatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here