Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Koonfurgalbeed oo looga Dhawaaqay Dagaalka Wajiga Labaad ee Alshabaab(Sawiro)

Koonfurgalbeed oo looga Dhawaaqay Dagaalka Wajiga Labaad ee Alshabaab(Sawiro)

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlay u diyaar garowga wajiga 2-aad ee dagaalka kooxda looga xoreynayo dalka.

Shirka waxaa ka qeybgalay Taliyaha Ciidanka Asluubta, Taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka, gudoomiyaasha maxkamada ciidamada qalabka sida iyo saraakiisha ciidanka qeybahooda kala duwan ee ka howlgala guud ahaan deegnada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftgareen ayaa faray saraakiisha ciidanka ee kulanka ka qeybgalay in maanta wixii ka dambeeya uu bilaabanayo dagaalka deeganada Koonfur Galbeed looga saarayo Khawaarijta oo dhibaato ba’an ku haysa dadka Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Ka Dhacay Magaalada Baladweyne
Next articleIsrael oo sheegtay in soddon iyo shan askari oo Israa’iiliyiin ah sidoo kale la afduubay