Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

Wararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Ka Dhacay Magaalada Baladweyne

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsan Macawiisleyda iyo kuwa ammaanka Beledweyne ay ku dagaalameen gudaha magaaladaasi, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadka oo ahaa mid kooban uu ka dhacay barkoontarool oo ku taalla agagaarka buundada labaad ee xaafada Xaawa Taako, halkaas oo ay isku fara saareen ciidamada labada.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in israsaaseynta labada dhinac uu ku dhintay sarkaal sare oo ka tirsanaa Macawiisleyda oo si weyn looga yaqiinay halkaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Cabdullaahi Cabdi (Xaad), waxaana maydkiisa goobta kasoo qaaday ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Beledweyne.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana howlgallo baaritaano ah bilaabay ciidamada ammaanka, si loo ogaado waxa sababay isku dhaca labada ciidan.

Illaa iyo hadda ma jio wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi dilka ah oo la sheegay in xiisad horleh ka abuurtay degmada.

Ammaanka Beledweyne ayaa maalmihii u dambeeyay xumaaa, waxaana dilkan uu noqonayaa kii saddexaad ee todobaadyo gudahood ka dhaca magaaladaasi.

Dhowaan ayay aheyd markii la dilay haweeneyd magaceeda lagu soo kooban Caasho oo ganacsatado iyo nin kale oo ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Xasan Daahir Cali.

Waxaa sidoo kale magaalada ka dhaca weeraro qaraxyo oo ah soo maleegayaan xubnaha kooxda Al-Shabaab oo bartimaameed gaar ah ka dhigtay reer Hiiraan, maadaama uu gobolkan xudun u noqday kacdoonka ay iska kaashanayaan dowladda iyo shacabkeeda.

Ad
Previous articleDhowr iyo toban gantaal oo lagu tuuray Israa’iil
Next articleKoonfurgalbeed oo looga Dhawaaqay Dagaalka Wajiga Labaad ee Alshabaab(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here