Home Wararka Maanta Madaxweyne Qoor Qoor oo War kasoo Saaray Geerida Shiikh Cabdiqani Shiikh Yuusuf

Madaxweyne Qoor Qoor oo War kasoo Saaray Geerida Shiikh Cabdiqani Shiikh Yuusuf

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa uga tacsiyeeyay bulshada reer Galmudug gaar ahaan ehelladiisii geerida ku timid Allaha u naxariistee Shiikh Cabdiqani Shiikh Yuusuf oo ka mid ahaa culimmada iyo odayaasha tiir dhexaadka u ah Galmudug, kuna sifeysnaa fidinta diinta Islaamka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey inuu u ugu deeqo naxariistiisa marxuumka, isagoo yiri “ Waxaan ilaahey u weydiineynaa naxariistiisa waasaca ah Shiikh Cabdiqani oo runtii bulshada iyo Dowladda Galmudug-ba u ahaa tiir dhexaad, kuna tilmaamnaa kaalin walba oo wanaag, haddii ay fidinta diinta ama kaalinta odaynimo ahaan laheyd. Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynaa dhammaan ehelkiisa iyo qarabaadiisa”

Dhammaad.

Ad