Magaalada Muqdisho waxaa ka qarxay kacdoon bulsho kii ugu weynaa, dadka ku nool Caasimadda ayaa maanta oo Jimco ah isugu soo baxay wadooyinka, iyagoo qaadaya heeso wadani ah oo ka dhan ah Khawaarijta Al-Shabaab.
Wadooyinka waaweyn ee caasimada Muqdisho ayaa lagu soo maray socdaal, degmada Cabdicasiis oo ay ku taallo xeebta Liido ayey masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir kula hadleen bulshadii isugu soo baxday banaanbaxa.
Agaasimaha waxbarashada ee maamulka Gobolka Banaadir Cabdifitaax Barre oo ka mid ahaa masuuliyiintii la hadashay bulshada isugu soo baxday fagaarayaasha Muqdisho ayaa sheegay in dalku aaday halgan dagaal oo loogu magac daray “Guul ama Geeri.”
Shacabka Muqdisho oo dhiiraday ayaa galabta ku dhawaaqayey erayo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo qaadayey heeso laga sameeyey Shabaab oo laga daaray gaadiid lagu soo xiray codbaahiyeyaal waaweyn.
Ciidamo iyo saraakiil boolis ah ayaa dhex socday dadka isugu soo baxay kacdoonkaan, sidoo kale fanaaniin ayaa heeso ka dul-qaadeysay gaadiidka booliska.
Sidoo kale qaar kamid ah saraakiisha booliska oo bulshada la hadlay ayaa dalbaday in dowladda lagu garab istaago dagaalka ay kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab.
Dalka waxaa loo jiheeyey guluf dagaal oo loogu magac daray “Guul ama Geeri” waxaana hoggaaminaya Madaxweyne Xasan Sheekh oo laba bilood ka maqan caasimadda Muqdisho, kuna sugan furimaha dagaalka.
Cabsidii ay ka qabeen kooxda Al-Shabaab ayaa ka guurtay shacabka Muqdisho, waxayna maanta muujiyeen sida ay u dhibsadeen jiritaanka kooxdaan soo gumaadeysay sanadaha badan, iyagoo si buuxda u muujiyey inay dowladda ku garab taagan yihiin ciribtirka kooxda Al-Shabaab.