Home Wararka Maanta Waa kuma ninka Soomaaliga ah ee lagu tilmaamay baadari kaniisadda hugaamiya?

Waa kuma ninka Soomaaliga ah ee lagu tilmaamay baadari kaniisadda hugaamiya?

0

Muuqaalka nin Soomaali ah oo la ciyaaraya libaaxyo ayaa ku baahay baraha bulshada ee wadamado badan oo Afrikaan ah, iyaga oo ku tilmaamaya inuu yahay baadari adeegsanaya awoodiisa si uu u rabaayadeedyo libaaxyada.

Muuqaal kooban oo uu ninkaan xiran yahay suud buluug ah ayaa muujinaya isaga oo fartiisa libaax afka u galinaya lana ciyaaraya.

Qafis ay ku xiran yihiin libaaxyada ayaa koox dad ah oo dibadiisa joogta moobeeladooda ku duubayaan, qaarkoodna sawiro ka qaadanayaan.

Muuqaalka ayaa laga dheehan karaa inuu yahay mid dhab ah oo aan jilliin ku jirin.

Maxay dadku ku tilmaameen?

Hadalo ay dad badan ku soo daabaceen baraha bulshada ayay ku tilmaameen inuu yahay baadari kaniisadeed iyaga oo ku xariirayay ficilkiisa sheeko caan ka dhex kirishtanka oo ku saabsan nabi lagu dhex tuuray xero libaaxyo ku xaransan yihiin balse uu nabigu ka badbaaday taas oo daliil u noqotay awoodiisa.

“Nabi Daniel wuxuu kaniisadiisa usoo waday qaar kamid ah dadka raacsan si uu ugu xaqiijiyo inaysan jirin wax ku dhici kara ninka alle soo dirsaday,” qof Nigerian ah ayaa sidaas ku soo qoray bartiisa Instagram.

Muuqaalka ayaa malmihii la soo dhaafay aad ugu dhex baahay baraha bulshada ee Ghana iyo Nigeria, balse wuxuu asal ahaan ka yimid muuqaalka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Gudaha Kenya, muuqbaahiye maxalli ah ayaa ku daabacay bogagiisa baraha bulshada. Sidoo kale xildhibaan Kenyan ah oo lagu magacaabo Ronald Karauri ayaa ku sirmay oo rumeystay in ay tani tahay sheeko la xiriirta nabiga iyo libaaxyada oo ay dad badan ku xariiriyeen.

“Waxaan ku yaboohayaa inaan u wadi dooni Maasai Mara [beer qaran] fadlan, dhamaan wixii qarash ah waa la bixinayaa. Libaaxyadiisa wuu soo ka xaysan karaa,” ayuu bogiisa X horayna u ahaa Twitter ku soo daabacay.

Waa kuma ninkaan?

BBC Somali ayaa ogaatay cidda uu ninkaan yahay, mana ahan baadari kaniisad ka tirsan.

Ninkaan ayaa ah Maxamed Cabdiraxmaan oo ku magac dheer Jacayloow, kaas oo marar badan ka soo muuqday baraha bulshada Soomaalida isaga oo la ciyaaraya xayawaano.

Jacayloow ayaa masuul ka ah xayawaanada lagu xanaaneeyo beerta Daarusalaam ee magaalada Muqdisho.

Libaaxyada uu la ciyaarayay Jacayloow ee dadku ku xariiriyeen shaakada nabiga ka dhex caanka ah bulshada kirishtaanka dhexdeeda, ayaa ah kuwa loogu talo galay in maalmaha ciidda iyo fasaxyada ay u daawasho tagaan dadka ku nool caasimadda Muqdisho.

Jacayloow horay ayuu ula hadlay BBC Somali, sanadkii 2022 kii. Isaga oo ka sheekeynaya xayawaanada uu la ciyaaro eel aga yaabo inay halis galiyaan naftiisa, ayuu sheegay in uu barbaariyay dhamaantood isaguna yaqaan sida loola macaamilo.

Wareysiga ay BBC Somali la yeelatay Jacayloow ayuu ka muuqaanayaa isaga oo la ciyaaraya jabiso garabkiisa saran, oo uu madaxeeda afkiisa gashanayo, dadka hareera joogana ay naxdin la qeylinayaan.

Ad
Previous articleBanaanbax ka Dhan ah Alshabaab oo Galabtay Ka Dhacay Muqdisho
Next articleMagaalada NewYork oo xaalad degdeg ah looga dhawaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here