Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay goob ay deganyihiin ciidamada illaaliya caasimada oo ku taala degmada Dayniile ee G/Banaadir.
Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay barta ay ciidamadu deganyihiin oo ku taala wadada dheer ee tagta xarunta degmada Dayniile.
Waxaa jira khasaare ka dhashay lamase oga intuu la ehgyahay Ciidamada Amaanka ayaana xiray aaga qaraxu ka dhacay.
Alshabaab ayaa oo sheegtay mas’uuliyada qaraxaan waxay sheegeen in qof isku qarxiyay xerada ciidamada Military Police ee amniga caasimada illaaliya.
Alshabaab ayay ku adkaatay inay Gudaha Magaalada Soo Galiyaan Qaraxyadii ku rarnaa Gawaarida waana Qarixii Sadaxeed oo Banaanka ku Qarxaaya laamaha amaanka Dowlada ayaana Wali Kahadlin Qaraxaan oo Goordhow Dhacay.