Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Qarax Culus oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

War Deg Deg ah: Qarax Culus oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

0

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhow ka dhacay goob ay deganyihiin ciidamada illaaliya caasimada oo ku taala degmada Dayniile ee G/Banaadir.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay barta ay ciidamadu deganyihiin oo ku taala wadada dheer ee tagta xarunta degmada Dayniile.

Waxaa jira khasaare ka dhashay lamase oga intuu la ehgyahay  Ciidamada Amaanka ayaana  xiray aaga qaraxu ka dhacay.

Alshabaab ayaa oo sheegtay mas’uuliyada qaraxaan waxay sheegeen in qof isku qarxiyay xerada ciidamada Military Police ee amniga caasimada illaaliya.

Alshabaab ayay ku adkaatay inay Gudaha Magaalada Soo Galiyaan Qaraxyadii ku rarnaa Gawaarida waana Qarixii Sadaxeed oo Banaanka ku Qarxaaya laamaha amaanka Dowlada ayaana Wali Kahadlin Qaraxaan oo Goordhow Dhacay.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Saakay Qarax Ku Burburiyay Ceelkii ugu Waynaa ee Degaanka Ceelgaras
Next articleWararkii ugu dambeeyay ee khasaaraha qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here