Faah-fdaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay fiidkii hore ciidamada dowladda ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.
Sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degamadaasi, Maxamed Yuusuf Kulmiye ciidamada ayaa weerar gaadmo ku qaaday bar-koontarool oo ay joogeen xubunaha ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana lagu laayay halkaasi, kadibna la burburiyay goobta ay joogeen.
Maxamed Yuusuf Kulmiye aya xusay in goobta la weeraray ay ku sugnaayeen 16 xubnood, isla-markaana dhammaantood lagu dilay howlgalka ay qaadeen ciidamada dowladda.,
“Tiro ahaa illaa 16 ayaa meesha ku sugneyd, waana laga soo taqalusay dhammaantood” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Maxamed Yuusuf Kulmiye.
Xarardheere oo kamid ah magaalooyinka waa weyn ee la xoreeyay ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidamo dheeraad ah.
Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo xoreyn ah, waxaana iska kaashanayaa ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta maamulkaas iyo dadka deegaanka.