Home Wararka Somaliya Galmudug Alshabaab ku sugna Duleedka Xarardheere oo la laayay

Alshabaab ku sugna Duleedka Xarardheere oo la laayay

0

Faah-fdaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay fiidkii hore ciidamada dowladda ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo deegaanka Baraag Cali Gaduud oo hoostaga Xarardheere.

Sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degamadaasi, Maxamed Yuusuf Kulmiye ciidamada ayaa weerar gaadmo ku qaaday bar-koontarool oo ay joogeen xubunaha ka tirsan Al-Shabaab, isla-markaana lagu laayay halkaasi, kadibna la burburiyay goobta ay joogeen.

“Intii meesha joogtay waa la soo afjaray ciidamada geesiyaasha ah sida loogu talagalay ayay waajibaadkau guteen” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xarardheere.

Maxamed Yuusuf Kulmiye aya xusay in goobta la weeraray ay ku sugnaayeen 16 xubnood, isla-markaana dhammaantood lagu dilay howlgalka ay qaadeen ciidamada dowladda.,

“Tiro ahaa illaa 16 ayaa meesha ku sugneyd, waana laga soo taqalusay dhammaantood” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye Maxamed Yuusuf Kulmiye.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlgallada ay sii wadi doonaan, ujeedkana uu yahay in laga hortago weerarada Al-Shabaab, lagana saaro meelaha ay ka joogaan Mudug.

Xarardheere oo kamid ah magaalooyinka waa weyn ee la xoreeyay ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana ku sugan ciidamo dheeraad ah.

Galmudug ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo xoreyn ah, waxaana iska kaashanayaa ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta maamulkaas iyo dadka deegaanka.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Madaxweyne Xaan shiikh oo Galabtay Dib ugu Soo laabtay Dhuusamareeb iyo Ciidamada Galmudug oo Deegaano hor leh kaa saaray Alshabaab
Next articleCiidamada Macawislayda oo Mushaar loo Qoray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here