Tiba al-Cali waxay ahayd gabar dhalinyaro ah oo firfircoon oo taageerayaal badan ku leh barteeda YouTube oo ay kaga hadli jirtay arrimaha bulshada.
Waxay bilawday channel-keeda kadib markii ay ka soo guurtay dalkeeda Ciraaq iyadoo da’deedu ahayd 17 jir sannadkii 2017-ka, waxayna ka hadli jirtay arrimaha guurka, isqurxin iyo waxyaabo kale. Tiba waxay u muuqatay mid faraxsan oo soo jiidatay tobanaan kun oo daawadayaal ah.
Bishii Janaayo ayay dib ugu laabatay Ciraaq si ay u soo booqato qoyskeeda – waxaana dilay aabbaheed. Si kastaba ha ahaatee, dilka looma maleynayo in uu ahaa mid “hore looga fikiray” waxaana aabaheed lagu xukumay lix bilood oo kaliya oo xarig ah.
Dhimashada Tiba waxay kicisay mudaaharaadyo Ciraaq oo dhan ah, waxaana dadka ay muujinayeen sida ay arrintaan uga xunyihiin. Tiba waxaa barteeda ku xirnaa kumanaan daawadayaal ah oo geerideeda aad uga naxay.
Waxay soo bandhigi jirtay muuqaalo maalinle ah.Muuqaalkeedii ugu horreeyay ee Noofambar 2021-kii, Tiba waxay ku sheegtay inay u guurtay Turkiga si ay u horumariso waxbarashadeeda, laakiin waxay dooratay inay sii joogto sababtoo ah waxay ku faraxsaneed nolasha ay gashay.
Sida ay wararku sheegayaan, aabaheed, Tayyib Cali, kuma raacsanayn go’aankeeda ah in ay u guurto Turkiga niyo in ay halkaa kula midowdo ninkeeda oo u dhashay Suuriya, kaas oo ay kula nooleed Istanbul.
Dilka gabadhaan ayaa dhacay dhowr bilood ka hor, hase yeeshee wali waxaa taagan walaacii uu falkaasi abuuray.