Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir jaraa’id kaga Hadlay Banaanbaxyadii rabshadaha watay ee maanta Ka Dhacay Muqdisho.
Madaale ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay xaq dastuuri ah u leeyihiin iney dareenkooda ku cabiraan banaanbaxyo nabadeed, hase ahaatee aan la aqbali karin in la sameeyo rabshado iyo burburka hanti kala duwan.
“Banaanbax in wax lagu gubo, lagu burburiyo hanti dan guud iyo mid gaar ah lama aqbali karo, waa nasiib daro in la gubo wadooyinkii aan ku dhiseynay mashruuca hal dollar ku dhiso dalkaagaa ee shacabku iska kaashanayeen, waxaana ka digeynaa in dhaqanka noocaas ah uu nagu soo laalaabto” ayuu yiri Madaale.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Magaalada Muqdisho iney ilaashadaan hantidooda, isagoo xusay in waxyaabaha danta guud ah uusan jirin shaqsi gaar u leh, loona baahan yahay in la wada ilaashado.