Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday aalado uu TikTok ka mid yahay

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday aalado uu TikTok ka mid yahay

0

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo baraha bulshada ee Tiktok, Telegram iyo 1XBET.

Arrintan ayaa la go’aamiyay kaddib Shirka Wadatashiga badqabka Isgaarsiinta, ilaalinta amniga Internet-ka iyo baraha bulshada oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda dowladda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa shir guddoomiyey shirka.

“Si loo fuliyo qodobbada 64-aad iyo 65-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiydda waxa ay ku howlantahay sidii loo ilaalinlahaa dhaqanka suubban ee bulshada Soomaaliyeed marka la isticmaalayo isgaarsiinta iyo aaladaha internetka oo saameyn ku yeeshay hab-nololeedka iyo in ay soo kordheen dhaqamo xun-xun, waxaana qabashada howshaan laf dhabar u ah Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Shirkadaha ka shaqeeyo arimaha ICT-da.” Ayaa lagu yiri war ay soo saartay wasaaradda isgaarsiinta.

“Shirka inta uu socday waxaa la isla qaatay xilligaan in ay muhiim tahay in la xiro Baraha Tiktok, Telegram iyo Aalada Qamaarka lagu ciyaaro ee 1XBET oo sameyn nololeed ku yeeshay Dhallinyarada Soomaaliyeed oo qaarkood keenay in ay nafta ku waayaan.”

Ad
Previous articleGudoomiye Madaale oo Ka Hadlay Banaanbixii Beesha Jareerwayne Hanjabaadna Diray
Next articleXog laga helay wiil Soomaali ah oo Mareykanka ku dilay gacalisadiisa kahor inta uusan is dilin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here