Home Wararka Maanta Gudoomiye Madaale oo Ka Hadlay Banaanbixii Beesha Jareerwayne Hanjabaadna Diray

Gudoomiye Madaale oo Ka Hadlay Banaanbixii Beesha Jareerwayne Hanjabaadna Diray

0

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir jaraa’id kaga  Hadlay Banaanbaxyadii rabshadaha watay ee maanta Ka Dhacay Muqdisho.

Madaale ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay xaq dastuuri ah u leeyihiin iney dareenkooda ku cabiraan banaanbaxyo nabadeed, hase ahaatee aan la aqbali karin in  la sameeyo rabshado iyo burburka hanti kala duwan.

“Banaanbax in wax lagu gubo, lagu burburiyo hanti dan guud iyo mid gaar ah lama aqbali karo, waa nasiib daro in la gubo wadooyinkii aan ku dhiseynay mashruuca hal dollar ku dhiso dalkaagaa ee shacabku iska kaashanayeen, waxaana ka digeynaa in dhaqanka noocaas ah uu nagu soo laalaabto” ayuu yiri Madaale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Magaalada Muqdisho iney ilaashadaan hantidooda, isagoo xusay in waxyaabaha danta guud ah uusan jirin shaqsi gaar u leh, loona baahan yahay in la wada ilaashado.

Ad
Previous articleDad iyagoo aroos ka jaasaya uu la dumay god ay biyo ku jireen oo dhintay
Next articleDowladda Soomaaliya oo mamnuucday aalado uu TikTok ka mid yahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here