Home Wararka Maanta Maalintii Labaad Banaanbax ka dhacay Muqdisho.

Maalintii Labaad Banaanbax ka dhacay Muqdisho.

0

Banaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ku dalbadanaaan in Carruurtooda ay dowladda Soomaaliya dib ugu soo celiso dalka, kuwaas oo ay sheegeen in ay maqleen inay ka qeyb galeen dagaalkii looga soo horjeeday Kooxda TPLF ee ka dhacay waqooyiga Itoobiya

Qaar kamid ah Waalidiinta banaanbaxa dhigayay oo la hadlay Warbaahinta Madaxbanaan ayaa waxaa ay sheegeen in dowladda looga baahan yahay in Nolol ama Geeri ay ugu keenaan Carriirtooda oo muddo sanado ah arkin nala hadin.

Waxaa ay sidoo kale ay hadalkooda intaasi ku dareen in markii la qaadayay Dhalinyarada loo sheegay in la geeynaayo dalka Qatar balse la geeyay dalka ereteriya, taasi oo shaki ku abuurtay.

Waalidiinta Maanta dibadabxa ka dhigay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay lagu sheegay inay heleen cadeeymo muujinaya in dhalinyaro Soomaali ah ka qeyb galeen dagaalkii ka dhacay gobolka TIgreega ee Itoobiya, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya & Jabhadda TPLF.

Ad
Previous articleMaxaad kala socotaa isbedelka lagu sameenayo Taliyaasha Ciidamada
Next articleDowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay in Kenya ay dib u furto Duulimaadkii Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here