Home Wararka Maanta Maxaad kala socotaa isbedelka lagu sameenayo Taliyaasha Ciidamada

Maxaad kala socotaa isbedelka lagu sameenayo Taliyaasha Ciidamada

0

Waxaa soo ifbaxayo warar sheegaya in isbeddel lagu samayn doono Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida dhamaantood:

Xoga Muhiim ah ayaa sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay Qorsheenayso isbedel Guud oo ka dhaco Taliyaasha Ciidamada Xooga dalka, NISA, Boliiska, iyo Asluubta.

Taliyaasha Qaarkood ayaa Loo Balanqaaday Xildhibaanimo, waxaana ka mid ah Kuwa Xildhibaanimada Baadi goobaya Taliyaha Boliiska, Asluubta iyo Nabad sugida.

1) Taliyaha Booliska Soomaaliya Sareeye Xijaar Waxaa lagu bedelo doonaa Sareeye Guud Goobe, waxoo iska soo sharixi doonaa Barlamaanka Federaalka.

2) Taliyaha Hayadda NISA Fahad Yaasiin, Waxuu isku sharixi doonaa Kursi Barlamaanka Federaalla oo ku Fadhiyo Faarax C/qaadir Deegaan Doorashadiisuna tahay Hirshabelle, gaar ahaan Hiiraan , weli lama helin Xogta qofkii Lagu bedeli lahaa.

3) Taliyaha Ciidanka Asluubta: Taliye Mahad Waxaa lagu badalayaa Madaxa Hogaannada Asluubta Gen. Cabbas, waxa uuna isku sharaxi doonaa Xildhibaan Golaha shacabka ee Deegaan Doorashadiisu tahay KGS

4) Taliya Ciidanka Xooga Odowaa: Gen, Odawaa Mala oga halka uu aadi doono wilina Lama Helin Xogta Shaqsiga La qorsheenayo in Lagu badalo.

Isbedelkaan waxaa la saadaalinaa in uu dhici doono marka la magacaabo Gudiyadda Doorashada Heer Federaal iyo heer maamul goboleed ka dib.

 

Ad
Previous articleHirshabelle iyo Konfur Galbeed oo soo Badalay Liiska Guddigii Lagu Muransanaa (Akhriso)
Next articleMaalintii Labaad Banaanbax ka dhacay Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here