Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa faray hey’adaha amniga ee magaalada Muqdisho inay aad u feejignaadaan, maadaama kooxda Al-Shabaab ay ku soo jebeyso dagaalada ka socda gobollada dalka.
“Hey’adaha amniga ee Muqdisho waxaa la farayaa inay feejignaadaan oo ilaaliyaan amniga magaaladaan, markii la duulo ee cadowgu jabo, wuxuu u cararayaa magaalooyinka lagu badan yahay, marka Muqdisho waxay ugu horeysaa magaalooyinka dadka ku nool lagu dhex dhuuma karo,” ayuu yiri R/W Xamza.
R/Wasaare Xamza Barre ayaa baarlamaanka ka dalbaday inay gobollada aadaan oo dadkooda abaabulaan, kana qeyb qaataan dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidamada amniga ku amaanay sida ay u sugeen amniga Muqdisho oo kooxihii dadka dili jiray ay uga sifeeyeen.
“Hey’adaha amniga waxaan farayaa habeenada soo socda in aysan seexan, amniga aad ku soo daasheen sii xajiya inta lasoo afjarayo Khawaarijta,” ayuu yiri Xamza Cabdi Barre oo aad ula dardaarmay laamaha amniga Muqdisho.
Farriinta Ra’iisul Wasaaraha ee ku socota hey’adaha amniga Muqdisho ayaa ku soo aadeysa iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u safray Dhuusamareeb, si dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug uu u hoggaamiyo.