Home Wararka Maanta Kooxda Taalibaan oo Amar Layaab leh Siisay Ciidamadooda

Kooxda Taalibaan oo Amar Layaab leh Siisay Ciidamadooda

0

Maamulka Taalibaan ee haya talada dalka Afganistan ayaa ugu baaqay ciidamada daacada u ah in aysan dagaal iyo jihaad u aadin meel ka baxsan dalkooda, xilli kooxda Taalibaan lagu eedeeyay in ay gacan siiyaan dagaalyahannada ku sugan dalka Pakistan.

Wasiirka gaashaandhigga u qaabilsan maamulka Taaliban Mawlawi Muxamed Yacquub Mujaahid, ayaa sheegay in aysan sax aheyn in ciidankooda meel ka baxsan dalkooda u aadaan dagaal ama jihaad aan loo fasixin.

Wasiirka oo la hadlayay taliyaal ciidan iyo saraakiil ayaa sheegay in ciidamada Afganistan looga baahan yahay in aysan ku kucin falal uu sheegay in ay wax u dhimayaan nidaamka ,sidoo kale abuuri karaan caasinnimo iyo fowdo.

”Hadda waa in loo hoggaansamo amarkii amiirka, waa waajib iyo lama huraan, haddii qof uu ka baxo Afgaanistaan ​​meel kalana uu u aado jihaad, kaasi lama yiraahdo Jihaad’ee ogaada ” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Taalibaan.

Ad
Previous articleRa’iisul Wasaare Cabdi Barre oo hey’adaha amniga ee magaalada Muqdisho Amar Culus Duldhigay
Next articleFalastiin oo dil ka geystay bartamaha Tel Aviv

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here