Home Wararka Caalamka Madaxweyne Qoor Qoor oo Dhuusamareeb ka Furay Shir Xasaasi Ah oo Alshabaab…..

Madaxweyne Qoor Qoor oo Dhuusamareeb ka Furay Shir Xasaasi Ah oo Alshabaab…..

0

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa caasimadda Dhuusamarreeb ka furay shir looga hadlayo dib u xoreynta deegaannada ku haray gacanta al-shabaab kaasoo oo ay ka qayb galayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la joogo xilligii la xoreyn lahaa deegaannada Dowladd Galmudug ee ku xaray gacanta al-shabaab isla markaana loogu diyaar garoobo si heer sarreysa.

Ceelbuur, Ceelgaras iyo Galhareeri ayaa ka mid ah degaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo weli gacanta ugu jira Al-shabaab.

Qoorqoor ayaa ugu baaqay qeybaha bulshada Galmudug in la taageero howlgalka degaanadaas looga saarao Al-shabaab oo muddo dheer ka talineysay.

Ad