Home Wararka Maanta Alshabaab oo Weerar ku Qaaday Ciidamo ku Sugnaa Bakaaraha iyo Mid kamid...

Alshabaab oo Weerar ku Qaaday Ciidamo ku Sugnaa Bakaaraha iyo Mid kamid ah Ragii Weerarka Qaaday oo la qabtay

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dharcadda NISA oo ku sugnaa agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in rag hubeysan ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen ciidamadaasi, xilli ay gaadiidka soo aado dhanka Dabka ay ku baarayeen halkaasi.

Jugta qaraxa ayaa si xoogan looga maqlay xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana sidoo kale muddo kooban hakad galay dhaq-dhaqaaqa waddada.

Weerarkan ayaa sidoo kale sababay khasaare u badan, waxaana waxyeelo ay soo gaartay illaa 5 askari oo ka tirsanaa ciidamada dharcadda ee Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka.

Sidoo kale waxaa goobta mar dambe gaaray saraakiil ka tirsan NISA oo uu hoggaaminayay taliyaha Nabad-Sugidda ee degmada Howlwadaag Gaashaanle Maxamnd Cabduqaadir Shakiib, kuwaas oo howlgallo ka bilaabay xaafadaha u dhow meesha la weeraray.

Wararka ayaa intaasi ku daray in howlgalka la sameeyay lagu soo qab-qabgtay nin looga shakisan yahay inuu fuliyay weerarkaasi.

Ma’aha weerarkii ugu horreeyay ee lagu qaado ciidamada Nabad-Sugidda ee haatan lagu soo daadiyay xaafadaha Muqdisho, ayada oo dhowr jeer sidaan oo kale loo beegsaday.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo casuumad rasmi ah u diray Samia Suluhu
Next articleMadaxweynaha Niger oo Hadlay kadib Afgabihii Lagu Sameeyey